homeLogo enroll facebook twitter instagram linkedin youtube
staff login
Distance Learning to continue - Somali
In This Section

Waxbarashada Masaafada Fog si loo sii wado inta ka harsan sanad dugsiyeedka

Waxbarashada Masaafada Fog si loo sii wado inta ka harsan sanad dugsiyeedka

Waxbarashada Masaafada Fog si loo sii wado inta ka harsan sanad dugsiyeedka

April 23, 2020

Gacaliyeyaal, Ardayda, Qoysaska iyo Shaqaalaha MPS,

Sida aan filayno  inaad ogtahay, Guddomiyaha Gobolka Minnesota Tim Walz wuxuu ku dhawaaqay amar fulineed maanta in dhammaan dhismayaasha dugsiyadu xirnaan doonaan inta ka hartay sanad dugsiyeedka si loo sii gaabiyo faafida cudurka COVID-19

Tani waxay u badan tahay inay u noqoto naxteexo gaar ah kuwa ka walaacsan caafimaad qabka iyo badbaadada inta fayrasku wali ku jiro beesheena. Laakiin warkaani wuxuu u eg yahay inuu waliba keenaayo  dareen isku dhaf ah oo wata shucuur kale: walaac, cabsi, jahwareer iyo wax aan la hubin.

Waxaa jira ilo badan oo ay heli karaan ardayda, qoysaska iyo shaqaalaha si ay nooga caawiyaan dhammaanteen inaan ku dhaqaaqno jidka noocan ah ee ku-meel-gaarka ah, sida waxbarashada iyo shaqada. Waxaan sii wadaynaa inaan dhammaantiin u adeegno anagoo ku:

Dabcan, waa inaan sii wadnaa inaan sii xoojineyno Waxbarashada Massaafada Fog Distance Learning si ardaydeenna ay u helaan waxbarashadda ay u qalmaan. Waxaan qiimeyneynaa mid kasta oo ka mid ah ardaydeena waxaanna ku dadaaleynaa inaan hubino in arday kastaa leeyahay aalad kunbuyuutar ah iyo marin u hel internet. Intaas oo dhan, waxaan ogaanay in ka badan sidii hore inaan u baahan nahay inaan wax badan ka qabanno si aan u gaarno ardayda iyo qoysaska ee la kulma caqabado dheeri ah xagga waxbarashada. Qoysaskeenna leh ardayda hesha adeegyadda waxbarashada gaarka ah, waxaan u mahad celineynaa iskaashiga aad la leedihiin shaqaalaha dugsiga si aan u siino hagitaan shaqsiyeed ardaygaaga sida aan u sii wadno Waxbarashada Fog.

Fadlan ogsoonow inaan si xooggan u shaqeyneyno si aan cidina meel cidlo ah looga tagin, oo si arday badan ay fursad u heli doonaan inay waxbarashadooda kusii wadaan dugsiga waxbarashada xagaaga. Dugsiyada Dadweynaha Minneapolis, sida  dugsiyo degmooyin  badan, waxay sidoo kale dib-u-qiimeynayaan nidaamkooda ay ku bixiyaan  dhibcaha buundooyinka  Waxbarista Fog isla markaana waxay dhowaan la wadaagi doonaan macluumaad dheeri ah oo arrintan ku saabsan shaqaalaha, ardayda iyo qoysaska.

Waxaan rabaa inaan si gaar ah u sheego Fasalka  qalin jabinta 2020. Waxaan ogsoonahay in ardayda fasalada 12aad ee  seniorka dugsiga sare ay tahay inay seegaan ballan-qaadka iyo sharfinta qaaska ah ee la socda dhammayntooda bilihii ugu dambeeyay ee dugsiga sare asxaabta, asxaabta, macallimiinta iyo shaqaalaha. Waxaan rabaa inaan dib u xaqiijiyo ardayda fasalada 12aad ee seniorka iyo qoysaskoodaba inaan u dabaaldegno oo u aqoonsanno mid kasta oo idinka mid ah sannadihii aad dadaalka badan ku jirteen ee ku dhammeeyay dibloomada dugsigaaga sare. Waxaan ku ku howlanahay go'aaminta sida aan u qaban karno xafladaha qalin jabinta oo waxaan isla wadaagi doonnaa faahfaahintaas xiisaha leh goor dhow.

Dhamaan ardaydana, dhismayaasha iskuuladeena waa laga yaabaa inay xiran yihiin, laakiin waxbarashadu way sii socon doontaa. Waxaan ka fikirnaa adiga maalin walba waxaan diirada saareynaa inaan hubino inaad kobocdo si aad u xaqiijiso riyadaada oo aad u noqotid wax kasta oo aad noqon karto.

Qof walbana, xusuusnow in kasta oo jir ahaan aan ku sii jirno kala fogaanta, qalbiyadeenna iyo maskaxdeennuba waan isku dhownahay.

Qeyb ahaan, waxaan rabaa inaan idiin qirto inaan ogaano inay jiraan su'aalo badan oo ku saabsan in dhismayaasha iskuulkeena  xiran yihiin inta ka harsan sanad dugsiyeedka iyo xiliga  xagaaga, waana ognahay inay jirto baahida loo qabo in laga soo qaado waxyaabaha shaqsiyeed ee fasalada iyo lookarka uga jira ardayda. Fadlan nagu kalsoonow inaan ka jawaabi doonno su'aalahaaga maalmaha soo socda.

Is ilaali naftaada.

Ed Graff
Superintendent